Xukuumadda Soomaliya oo War Kasoo Saartay Arinta Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle

0

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay warar soo baxay oo sheegaya in wasiirka maaliyada soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu caro kaga baxay shirkii golaha wasiirada oo maanta ka qabsoomay magaalad Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta dawlada federaalka ah ee soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo la hadlay warbaahinta ayaa ka jawaabay warar si weyn ugu baahay baraha bulshada kuwaas oo sheegay in wasiirka maaliyadu ka carooday shirkii golaha wasiirada Xukuumadda Soomaliya.

Wasiir Yariisow ayaa cadeeyey in wasiirka maaliyadu ka baxay shirkii golaha wasiirada, balse waxa uu meesha ka saaray inay jirto wax caro ah oo sababtay inuu wasiirkaasi baxo

“ Warka ku baahay baraha bulshada ee sheegaya in wasiirka maaliyadu ka baxay shirkii golaha wasiirada waxba kama jiraan,wasiirku waxa uu u baxay hawlo shaqo oo uu aaday, markaa sidee ayaa loogu tuhmi karayaa inuu shirka kaga baxay cadho.”ayuu yiri Yariisow.

Jawaabta wasiirka warfaafinta dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa timid ka dib markii baraha bulshada iyo warbaahintaba lagu faafiyey warar sheegaya in wasiirka maaliyadu cadho kaga baxay shirkii golaha wasiirada dawlada federaalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here