Ciidamadda Dowladda oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaano Kale oo Gobolka Baay Ka Tirsan

0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa howlgal amniga lagu Xaqiijinayo  ka Bilaabay  Waddada isku xirta Degmadda Buurhakaba iyo Deegaanka Deeynuunaay, halkaasi oo ay ka baadi goobayaan Alshabaab.

Ciidamada, ayaa howlgalka ka sameeyey Goobo ay Fariisan u aheyd  Al shabaab, kuna dhibaateen jiray dadka shacabka ah, islamarkaana uga qaadi jiray Lacago baad ah, intaas ayaana dheereed in dadka kuwooda waxgalka ay ku dilaan, si inta kale ee soo hartay loo cabsi galiyo,  una waayaan qof ka dhiidhiya ficilada ay wadaan.

Guddoomiyaha Degmadda Buurhakaba ee gobolka Baay, Maxamed ibraahim Nuur,  ayaa sheegay in Howl galada ka socda Deegaanada Hoostaga Degmadda Buurhakaba, waxaana uu sheegay in ay dhexda u xirteen siddii ay ula dagaalami lahayeen  Alshabaab, isagoo xusay in laga qabsaday goobo hor leh oo ay fariisin u aheyd.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here