Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa xalay gacanta ku dhigay kumanaan loor oo Raashiin qurmay ah oo aan wali ka soo bixin dakadda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.
Howlgalkan Sirdoon oo guuleystay, waxaa la wareegay hogaanka baarista ee HSNQ.
Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale, oo uu wehliyo kusimaha taliyaha hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka soomaliya ee (NISA), g/sare Cabdulqaadir Maxamed Nnuur (jaamac) ayaa isla xalay booqday goobta lagu qarinayay raashiinka qurmay.
Wasiir islow oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in arintaan ay dowladda baaritaano ku waday islamarkaana xalay lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo iyadoo la rabay in lala baxo raashinka.
Sidoo kale wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in la tuhunsan yahay qaar kamid ah Ganacsatadda Soomaliyeed ee badeecaha kala soo daga dekadda Magaaladda Muqdisho.



