Shirweyne Looga Hadlayo Amniga Dalka oo Ka Furmay Kismaayo+Sawirro

0

Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka  Jubba-land waxaa maanta ka furmay shir loogu hadlaayo arrimaha amniga dalka,tayeynta Ciidanka booliiska,wada shaqeynta hay’aha amniga dowlad goboleedyada dalka iyo kuwa qaranka.

Shirkaan waxaa ka qeyb galaya Wasiiru Dowlayaasha Wasaaradaha Amniga Dowlad goboleedyada Dalka,Guddoomiye kuxigeenka amniga gobolka Banaadir iyo Agaasimaha guud ee Wasaradda amniga gudaha dalka,saraakiil booliska ah,Qaramad Midoobay UN-ka iyo AMISOM ayaa ka furmay magaalada kismaayo.

Wasiiru Dowlayaasha Wasaaradaha amniga Dowlad goboleedyada Dalka ayaa shirkaan ku tilmaamay mid lagu xoojinayo amniga dalka, wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada.

Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur ayaa sharaxad ka bixiyay ahmiyada uu leeyahay shirkaan maanta kismaayo ka furmay,waxaana uu Wasiirku sheegay in xooga lagu saari doono tayeynta Ciidanka booliiska dalka iyo xoojinta Amniga dalka.

Shirkaan ayaa socon doona mudo labo casha ah,waxaana diirada lagu saari doona xasiloonida dalka iyo wada shaqeynta lamaaha Amniga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here