Laamaha amaanka dalka kenya ayaa shacabka ugu digay nin dilaa ah oo ka tirsan dagaalyahanada Xarakadda Al-shabaab uu ku dhuumaaleesanayo Magaalada Mombasa.
Shacabka Kenya ayaa sidoo kale laga codsaday in cidii aragta ninkaasi inay soo wargaliyaan laamaha amaanka.
Ninkaan oo bilayska ay ku magacaabeen Cali Zira, ayaa lagu eedeeyay inuu ka danbeeyo weerarrada deegaanada Lamu, Mombasa iyo Gaarisa isagoo ka amar qaadanayo al shabaab.
Cadeymo ay soo bandhigeen laamaha amaanka dalka Kenya ayaa lagu sheegay in ninkkaasi uu dilay Axmed Bakshwen, oo ahaa ganacsade caan ah magaalada Malindi, 2014-kii ka dib markii la toogtay saddex jeer isagoo fadhiya gaarigiisa,Laba sargaal oo ka tirsanaa Kaydka booliiska Ahmed Salim Aliyan iyo Faiz Mbalaus, oo lagu dilay Malindi, ayaa sidoo kale lala xiriiriyay ninka dilaaga ah.
Hay’adaha amaanka ayaa sii daayay sawirka ninka waxaana dawlada ay u balan qaaday qofkiikeena macluumaad sahli karta in lasoo qabto dilaaga in ay siin doonaan lacag dhan laba milyan oo shillinka dalkaasi.

