Xilli Qaramada Midoobay ay sheegtay in uu bilaabanayo wajiga koowaad ee ka bixitaanka dalka ee ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa waxaa ka soo horjeesatay dowladda mareykanka iyadoo tilmaamtay in waqtigan aysan aheyn xiligii saxda ahaa ee dalka ka bixi lahaayeen Ciidamada Military-ga AMISOM.
Waaxda Arimaha Dibadda Mareykanka ayaa ka digtay saameeynta ay yeelan karto ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya iyadoo sheegtay in tiro qaraxyo ismiidaamin ah ay ka dhaceen magaalada muqdisho oo uu ugu weynaa kii 14-kii October ka dhacay Ex- isgoyska Zoobe.
Dowladda mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in ay kor u qaadeeso taageerada Military aysiin jirtay howlagalka AMISOM waxaana AMISOM ay horay u codsatay 8,000 oo ciidamo dheeeraad ah kuwaa oo bisha May ee sanadka 2018 soo gaaraya gudaha dalka Soomaaliya oo ka kala imaanaya dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya.
Waxaa sarkaal katirsan waaxda arimaha dibadda Xukuumadda Washington uu sheegay in aanu xiligan filan Karin in bisha December in ay dalka Soomaaliya ka baxaan ciidamo katirsan howlgalka AMISOM.

