Diyaaradaha Dowladda Mareykanka ayaa goordhaweyd duqeeyay deegaan ku yaala duleedka degmada Balcad oo ay Saldhig ku leeyihiin Xarakadda Al-shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha ay duqeeyeen tuulo lagu magacaabo Mareerey oo 6 KM u jirta deegaanka Basra, waxaana dadka degaanka ay sheegeen inay saldhig u ahayd Xarakadda Al-shabaab oo ay ka soo abaabulayeen weerarka ay ku qaadaan deegaanka Basra.
Ma cadda qasaaraha gaaray Saldhigga Xarakadda Al-shabaab, waxaana goobtaasi la xaqiijiyay inay ahayd xarun weyn oo Al-shabaab halkaasi ku lahaayeen.
Diyaaradaha dowladda Mareykana ayaa sii kordhiyay duqeymaha ay ka geystaan goboladda Shabeelaha hoose yo Shabeelaha Dhexe ee koonfurta dalka Soomaliya.

