Guddoomiyihii Kaxda oo Xilka laga Qaaday.

0

Warar hoose oo ay heshay Idaacadda Simba ee Muqdisho ayaa sheegaya in si rasmi ah xil ka qaadis loogu Sameeyey Gudoomiyihii hore ee Degmada Kaxda ee Gobolkan Banaadir.
Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay kasoo baxday Warqadda Wareegtada ah ee Xilka looga qaaday Gudoomiyihii hore ee Degmada Kaxda ee Dowladda Soomaaliya C/kaamil Macalin Shukri.
Ilaa hadda Wasaaraddu maysan Caddeeynin Sababta rasmiga ah ee ka dambeysa Xil ka qaadista Gudoomiyihii Degmada Kaxda ee xil ka qaadista lagu Sameeyey Waxaana Xildhibaanada ku jira Baarlamaanka Soomaaliya ee heyb ahaan kasoo jeeda Degmadaasi ay sheegeen in Wasaaraddu aysan kala tashan go’aankaanka ay xilka uga qaaday C/kaamil Macalin Shukri.
Xildhiban Khaliif Maxamed Xaaji oo ka mid ah Xildhibaanada Kasoo jeeda Degmadaasi ayaa sheegay in uu jiro warkan ku aadan Xil ka qaadista lagu sameeyey Gudoomiyaha,Xildhibaanka ayaa hadalkiisa inta ku daray in guddoomiyaha ay howlo badn qabyo u ahaayeen sida dhismooyinka Suuq iyo waddooyin uu doonayey inuu ka hirgaliyo degmadaasi isagoona rajo xumo ka muujiyey dhameystirka howlahaasi maadaama uu meesha ka baxay guddoomiyihii howsha hoggaanka u ahaa.
Wali lama oga Cidda lagu badalayo Gudoomiyaha Xilka laga qaaday ee Degmada Kaxda Maadama aysan Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Soomaaliya aysan sheegin cidda lagu badalay.
Gudoomiyahan ayaa waxa magacaabay Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here