Wararka Saaka laga helayo Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya ayaa Sheegaya in Halkaasi Xalay Fiidkii kooxo hubaysan ay ruux la sheegay inuu ka mid ahaa dadka ku nool degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ay ku dileen gudaha degmadaasi.
Ruuxaan ayaa markii la dilayey waxaa la sheegay in kooxaha dilkiisa ka dambeeyey ay kala dageen gaari uu saarnaa kadibna sidaa ay ku dileen.
Kooxihii dilka geystay ayaa meesha isaga baxsaday kadib markii ay falka geysteen,Ciidamo ka mid ah kuwa Maamulka AhluSunna oo iyagu ka arimiya Degmadaasi ayaa meesha falku ka dhacay Xilli dambe yimid waloow aysan u suuragalin in ay gacanta ay ku dhigaan gacan ku dhiiglayaashii falka geystay.
Dilka Ruuxaan ayaa la sheegay inay tahay fal la xariira aano qabiil oo u dhexeysa beelo wada daga gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.
Dadka Soomaalida ayaa inta badan waxaa ay caan ku yihiin isku dilidda aanooyinka qabiil waxaana inta badan gobolada Dalka Soomaaliya ka dhaca Dagaallo iyo iska hor imaadyo u dhexeeya beelaha wada daga qaar ka mid ah gobolada Dalka Soomaaliya.

