Kooxda Manchester City ayaa dib u helaysa xidigaha kala ah Pablo Zabaleta, Fernando iyo kaptanka kooxda Vincent Kompany oo mudooyinkii dambe dhaawacyo ku maqnaa,
Macalinka kooxda Manchester City Manuel Pellegrini oo saxaafada hadal kooban siiyay ka hor kulanka kooxda sunderland ayaa sheegay in ay kooxdiisa dib u helayso xidigaha kala ah Pablo Zabaleta, Fernando iyo kaptanka kooxda Vincent Kompany.
Maqnaanshaha Vincent Kompany. Ayaa keentay in xidigaha ka ciyaaraya daafacyada ee kala ah Nicolas Otamendi, Eliaquim Mangala iyo Martin Demichelis in laga dhaliyo 18-gool inta ay iska garab ciyaarayeen.
Dhanka kale macalin Manuel Pellegrini ayaa sheegay in uu wali dhaawac ku Maqan yahay laacibka reer France ee samir Nasri oo mudooyinkii dambe dhaawac ku Maqnaa.

