Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya taliyeyaasha Ciidamadda Cirka iyo Badda, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Abbandulaha Guud ee Ciidamadda Gaashaandhigga Talyaaniga Sareeye Guud Claudio Graziano oo booqasho hal cisho ah ku yimid magaalada Muqdisho.
Abbandulaha Guud ee Ciidamadda Gaashaandhigga Talyaaniga Sareeye Guud Claudio Graziano oo markii Hore kulan la qaatay Raisulwasaraha soomaliya Cumar C/rashiid Cali sharmarke ayay kulankooda kaga Hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya wadamada Talyaaniga iyo Soomaliya iyo sidii loo xoojin lahaa Taagerida la siiyo ciidamada dowlada soomaliya,
Intaas kadib Abbandulaha Guud ee Ciidamadda Gaashaandhigga Talyaaniga Sareeye Guud Claudio Graziano ayaa kulan la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Maxamed Aaden Axmed iyagoona kawada Hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya soomaliya iyo sidii loosii wadi Lahaa Taageerida ay dowlada Talyaaniga siiso ciidamada dowlada soomaliya ,
Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Maxamed Aaden Axmed oo ka Hadlay kulanka ayaa sheegay in dowlada wadanka Talyaaniga ay ka qeyb qaadatay dib u dhiska ciidamada xoogga dalka soomaliyeed mudooyinkii aynu soo dhaafnay,
Dowlada wadanka Talyaaniga ayaa kamid ah dowladaha inta badan Taageera dowlada Soomaliya iyadoona Tababaro siisa ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya.




