Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in heshiis rasmi ah ugu dambeyn laga gaaray shirkii Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.
Kulan aya wada qaateen siyaasiyiinta Magaalada Beledweyne iyo wasiirka arimaha Gudaha xukuumadda soomaliya Mudane c/raxmaan Maxamed xuseen odawaa ayaa ugu dambeyn waxaa lagu heshiiyay in shirka uu dhawaan furmo.
Sidoo kale wasiirka arimaha Gudaha xukuumadda soomaliya Mudane c/raxmaan Maxamed xuseen odawaa waxa uu sheegay in odoyaasha iyo waxgaradka magaalada Beledweyne ay aqbaleen wareegtadii kasoo baxday Madaxweynaha Soomaliya oo ku aadaneed in shirka lagu qabto Magaalada Johwar,
Qodobada sidoo kale lagu heshiiyay waxa kamid ah in la dhaqan galiyo Dekaretadii dhawaan uu soo saaray madaxweynaha dowlada Soomaliya xasan sheikh maxamud iyo in masuulka ugu sareya maamulka la dhisaya uu noqon dono reer Hiiraan, maamulkana uu muda sagaashan cisho gudahod uu usoo wareegi doono magaalada Buullo burte ee Gobolka Hiiraan.






