Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa goordhaweyd u dhoofay magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Safarka Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah mid uu taageero ugu raadinayo dowladdiisa sidii looga gacan siin lahaa dagaal saf ballaaran oo ka dhan ah Xarakada Al-Shabaab kaasi oo ka bilaabanaya Gobolada dalka Soomaliya.
Farmaajo ayaa la kulmi doona dhigiisa dalka Uganda Yoweri Museveni isagoona kala hadli doona sidii ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay u dhaqaaqi lahaayeen islamarkaana ugu qeyb qaadan lahaayeen howlgalka al-shabaab loogu sarayo gobolada dalka Soomaliya.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tagi doona Maalmaha soo socda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya , si uu madaxda dalalkaas uga helo taageero milateri oo la siiyo ciidamada Soomaaliya, si ay weerar ugu qaadaan Al-Shabaab.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay guluf dagaal ku qaado Xarakada Al-Shabaab, balse waxaa ay u baahan tahay dagaalkaas taageero looga helo Madaxda wadamada ciidamada.

