War DEG DEG:-Gaari Shacab ay Saarnaayeen oo Miino Kula Qaraxday Duleedka Balcad

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in gaari caasi ah oo shacab ay saarnaayeen lagu qarxiyay Degaanka lagu Magacaabo Danida oo u dhexeeya Degmooyinka Afgooye iyo Balcad.

Gaariga ay saarnaayeen dadka shacab-ka ahaa ayaa la sheegay in miinadda ay la kacday islamarkaana khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray dadkii saarnaa.

Gaariga Caasiga ah ayaa ka baxay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose waxaana uu ku siijeedaty Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dadkii Saarnaa gaariga caasiga ahaa ay waxyeelo soo gaartay inta badan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here