Dowlada yugaandha ayaa sheegtay in aysan helin wax mushaarad ah ciidankeeda ka mid ka ah howl-galka balaaran ee Amisom.
Muddo dhan 7 bilood ayaa ciidanka Amisom ee yugaandha aysan qaadan lacagaha mushaaradka ah iyadoo ay ugu dambeeysay mushaar la siiyo ciidankaasi bishii June ee sanadkaan.
Wasiirka gaashaan-dhiga dowlada yugaandha Gen Jeje Odongo ayaa maanta oo arbaca ah bahda wararka tabisa u sheegay in ciidanka yugaandha ee hoostaga Amisom 7 bilood aysan arkin wax mushaaraad ah isagoona sheegay in taasi ay dhib ku tahay howl-galka nabad ilaalinta ee Amisom.
“Ciidankeena hostago howl-galka Amisom waxa ay mushaar heleen sanadkaan 2015 ilaa iyo bishii may hasayeeshee laga bilaabo bisha june wax mushaarkii ay xaqa u lahaayeen ma aysan helin sidaasi waxaa yiri wasiirka gaashaan dhiga dalka yugaandha Gen Jeje Odongo”.
Dhanka kale Wasiirka difaaca dalka yugaandha ayaa xusay in nidaam qarasheedka loogu talagalay sanadka 2016-2017 ay gaareyso lacag dhan 1.4 oo lacagta dalka Uganda,
Bil kasta halkii Askari oo yugaandha ka socda Amisomna ku jira waxaa uu qaataa lacag gaareysa $1028.
Dowlada yugaandha ayaa waxaa ay tahay dowlada ay ka socdaan ciidamada ugu badan iyadoo ciidankaasi markii ugu horeysay u soo dirtay dalka soomaaliya sanadka 2007, tira ahaana waxaa ay askarta ciidanka yugaandha ay gaarayaan in kabadan 10,000 oo askari.

