Dibadbax Haatan ka Socda gudaha Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne  ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Gudaha magaaladaas uu haatan ka socda Dibadbax  loogu soo horjeedo in shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe lagu qabto Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe,

Dibadbaxa waxaa ka qeyb galaya dadka ku Nool Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan iyagoona wata boorar ay ku qoran yihiin Hal ku dhigyo ay kamid yihiin waan kasoo horjeednaa in shirka Maamul u sameynta hiiraan iyo shabeelaha dhexe lagu qabto Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dhanka kale wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kulankii u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo odayaasha Magaalada Beledweyne in la isku mari waayay iyadoona odoyaasha ay sheegeen in aysan marbana Tagi doonin Magaalada jowhar si ay shirka kaga qeyb galaan,

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here