Nabadoonada kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa kasoo horjeystay in ay Tagaan Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha si ay kaga qeyb galaan shirka Maamul u sameynta hiiraan iyo shabeelaha dhexe.
Nabadoon Maxamed raaxow oo kamid ah Nabadoonada kasoo jeeda Gobolka Hiiraan oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan ogalaan doonin in ay Tagaan Magaalada jowhar si ay kaga qeyb galaan shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.
Hadalka Nabadoonkaan ayaa imaanaya xili Madaxweynaha Soomaliya soomaliya Xasan sheikh Maxamuud oo ku dhawaaqay in shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe Lagu qaban doono Magaalada Jowhar.

