Wafdi Wasiiro ah oo Gaaray Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in goor dhaweyd ay Magaaladaas gaareen Wafdi wasiiro ah  uu Hogaaminaayo wasiirka Kaluumaysiga iyo qeyraadka badda ee xukuumadda soomaliya.

Wafdiga waxaa magaalada Jowhar kusoo dhaweeyay Madaxda maamulka Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe iyagoona kulamo la qaadan saacadaha saacadaha socda Maamulka Magaalada jowhar ee Gobolka Jowhar,

Dhanka kale Magaalada Jowhar ayaa isku diyaarinaysa in dhawaan lagu marti Galiyo shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe  kadib markii Madaxweynaha soomaliya oo shaaciyay Todobaadkaan in Magaalada Jowhar ay Tahay xarunta lagu marti Galin doono shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here