Waxaa saakay lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu dib ugu soo laabto wafdi uu Hogaaminaayo Raisulwasaaraha dowlada soomaliya Cumar C/rashiid cali sharmarke oo mudooyinkii dambe ku sugnaa qaar kamid ah wadamada caalamka
Qabanqaabada soo dhaweyta wafdiga Raisulwasaaraha dowlada soomaliya ayaa laga dareemaya Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho waxaana Halkaas ku sugan Madax ka Tirsan dowlada soomaliya
Dhanka kale Raisulwasaaraha dowlada soomaliya ayaa ka qeyb Gali doona kulanka wadahadalka dhaxmari doona Madaxda dowlada soomaliya iyo qaar ka Tirsan Xildhbaanada Baarlamanka soomaliya oo dhawaan Guddoonka Baarlamanka soomaliya u gudbiyay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha soomaliya xasan shiikh Maxamuud
Raisulwasaaraha dowlada soomaliya Cumar C/rashiid cali sharmarke ayaa dhawaan ka codsaday Guddoonka Baarlamanka soomaliya in dib loo dhigo kulanka wadahadalka mooshinka Madaxweynaha

