Muwaadin Soomaliyeed oo Loo Qabtay Weerar Ka Dhacay Dalka Canada

0

Booliska dalka Canada ayaa gacanta ku dhigay Muwaadin  Soomaliyeed oo lala xiriirinaayo weerarkii gaariga loo adeegsaday ee ka dhacay magaaladda Edmonton xarunta Gobolka Alberta ee Canada.

30 sano jir Soomaali ah ayaa loo qabtay weerarkaas sida ay sheegeen laamaha amaanka dalka Canada.

Abdulahi Sharif oo ka mid ah dadka soo galootiga ah waxaa laamaha amnigu sheegeen inuu ku lug lahaa, weerarka oo lagu dhaawacay sarkaal booliis ah iyo dadkale, markii lagu weeraray gaari dad ku sugan meel wadada ka baxsan.

Laamaha amniga dalka Canada waxay sheegeen in gaariga weerarka lagu fuliyey laga helay calanka kooxda ISIS, sidaasi darteedna ay arrintan u qaadanayan mid argagixiso, waxaana weli la sheegay in baaritaan socdo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here