Wararka ka maanaya deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in dagaal xoogan in uu haatan ka soconayo gudaha Deegaankaas.
Dagaalka ayaa la sheegay in dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab in ay ku qaadeen saldhigyadda Ciidamada Dowladda federaalka Soomaliya iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaankaas.
Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Xoogga Dalka oo sugan Deegaanka bariire oo Goordhow la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho waxa ay xaqiijiyeen in Weli uu dagaalka socdo.
Todobaadkii aynu soo dhaafnay Al-shaabab ayaa weeraray deegaankaas, waxayna sheegeen in ay dileen 37-askari iyo Saraakiil.

