Magaaladda baydhabo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya waxaa maanta gaaray wafdi uu hogaaminaya Denjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaliya Micheal Keating iyo Mas’uuliyiin kale.
Wafdigaan waxaa Magaaladda baydhabo kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka koonfur Galbeed Soomaliya,waxayna booqdeen goobo fara badan oo kamid ah magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Ku-simaha Madaxweynaha ahna wasiirka amniga maamulka koonfur galbeed soomaaliya xasan xuseen Eelaay oo warbaahinta la hadlay ayaa ka war bixiyay ujeedada socdaalka wafdigaan magaalada Baydhabo.
Wasiirka amniga maamulka koonfur galbeed soomaaliya ayaa ugu mahad celiyey dowlada ingiriiska oo uu sheegey iney ciidamada koonfur Galbeed Soomaliya ka saacideyso dhismaha xiro military iyo tayeyta Ciidamada.




