Hay’adaha Amaanka oo Soo Bandhigay Maandooriyaal iyo Hub+Sawirro

0

Hey’addaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa manta kusoo bandhigay Xarunta jeneraal Kaahiye ee Ciidamada Booliska Soomaliyeed maandooriyaal, hub, rasaas iyo agabyo kale oo lagu soo qabtay howl galadii maalmahan laga sameynayay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda federalka Soomaliya  Maxamed Abuukar Islow iyo Saraakiisha Booliska ayaa goob joog ka ahaa halkii lagu soo bandhigayay.

Waxaa la sheegay in waxyaabahan ay isugu jiraan maandooriyaal, rasaas, hub iyo agabyo ay ka mid yihiin miisaan, siliska rasaasta, waxaana badankood ay ku jireen jawaano,waxaa kaloo saraakiisha ay sheegeen in gacanta lagu soo dhigay dadkii lahaa ama watay, kuwaasoo la sheegay in sharciga la horkeeni doono.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga iyo Saraakiisha Booliska ayaa laga sugayaa inay saacadaha soo socda soo bandhigaan natiijada baaritaanka dhacdadii maalmo ka hor ka dhacday degmada Xamar weyne oo rag hubeysan ay ku rasaaseeyeen gaari ay laheyd Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, kaasoo lagu dilay labo qof oo saarnaa gaariga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here