Ciidamada Al-shabaab oo La Wareegay Deegaanka Teed

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ayaa ku waramaya in Ciidamada Al-shabaab dagaal saacado badan socday kadib ay la wareegeen deegaan dhaca duleedka magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday deegaanka Teed oo qiyaastii 30 KM ujira magaalada Xudur waxaana deegaanka Saldhigyo melleteri ku lahaa Ciidamada Dowladdda Soomaali oo Itoobiya tababartay.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu baahiyay in dagaalkaas qasaaro lagu gaarsiiyay Ciidamada Dowladda Soomaliya islamarkaana lagu dilay askar badan.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda Soomaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo loogu hadlayo dagaalkaan.

Deegaanka Teeda ayaa ah istiriraatiiji  wuxuuna kala qeybiyaa degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur, sanaddii 2014 markii ay ciidanka Itoobiya qabsanayeen Xudur ayuu noqday meesha kaliya ee ay saadka isaga kala gudbiyaan waloow markii Xudur hareereynta lagusoo rogay ay muhiimaddiisu yaraatay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here