Akhriso:-Raisulwasaaraha Ethopia oo La Kulmay Madaxda Soomaalida iyo Oromada

0

Ra’isul wasaaraha xukuumada Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa  kulamo la qaatay Madaxweynayaasha DDSI  Oromada, Odayaasha iyo Ganacsatada kasoo kala jeeda labada kilin oo ay colaadu u dhexeyso.

Hailemariam Desalegn ayaa labada mas’uul iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kala hadlay colaada dhiiga ku daatay ee u dhexeysa Soomaalida Ethiopia iyo Oromada, isagoona sheegay in ka dowladd ahaan ay ka shaqeynayaan sidii loo xalin lahaa.

Ra’isul wasaaraha dalka Ethopia Hailemariam Desalegn waxa uu sidoo kale, madaxda diinta iyo odayaasha dhaqanka ugu baaqay inay garab istaagan labada kilil si dowladu usoo afjarto khilaafka udhaxeeya labada maamul.

Raysulwasaaruhu wuxuu sheegay in dowladu khilaafka taagan go’aano cad oo hordhac ah ka qaadatay kuwaas oo ay kamid yihiin:

1-In ciidamada labada dhinac laga saaro difaacyada ay kaga sugan yihiin goobaha ay ka taagan tahay colaada,

2-In goobahaasi la geeyo Booliska Federaalka si ay u qaboojiyaan colaada.

3-In ciidamada looga danbeeyo amniga wadooyinka isku xiran ee labada kilil.

4-In dowladu hub kadhigis ka bilaabi doonto deegaanada colaaduhu kajiraan.

5-In dowladu ay maamulan doonto kuwa ka danbeeyay dhiiga daatay si sharciga loo horgeeyo.

Ra’isul wasaare Hailemariam Desalegn, waxa uu Madaxweynayaasha kililada ku amray inay u hogaansamaan 5ta qodob ee uu soo saaray Hailemariam Desalegn.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here