Xubin Ka Mid ahaa Guddiga Qaran ee Taakuleynta Ciidamada oo Is Casilay

0

Maxamed Yuusuf Tigey oo xubin ka ahaa Guddiga Qaran ee Taakuleynta iyo wacyigelinta Ciidamada qalabka sida ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xubinimada Guddiigaas.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay Mr Tigey inuu is casilay, kaddib markii uu arkay madax banaani la’aanta Guddiga.

Mr Tigey ayaa shalay ka mid ahaa xubnaha Guddiga Qaran ee Taakuleynta Ciidamada oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxaa uu noqonayaa xubintii labaad oo iska casila Guddiga Qaran ee Taakuleynta Ciidamada, tan iyo markii uu Guddigan ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo bishii July.

Guddiga Qaran ee Taakuleynta Ciidamada ayaa waxaa Guddoomiye u ah Jen, Axmed Jaamac Muuse, halka Guddoomiye kuxigeen uu ka yahay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, sidoo kale Guddigan ayaa waxaa xubin ka ah 13 ruux oo isugu jira saraakiil ciidan, aqoonyahano iyo dad bulshada magac ku leh.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here