Shan Caruur oo Ku Geeriyootay Dab Qabsaday Gurigooda Magaaladda Kismaayo

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Kismaayo ayaa ku waramaya in Shan carruur ah oo isku qoys ahaa In ay ku geeriyoodeen kadib markii uu dab qabsaday gurigooda oo ku yaal magaaladaas.

Wararka ayaa sheegaya in shanta carruur ee geeriyooday uu ugu weynaa 6 sano jir, halka kan ugu yar uu ahaa canug naas la nuujinayay.

Dhacdadan ayaa ka dhacday halka lagu magacaabo Dalxiiska Xaafada Farjano ee magaalada Kismaayo, waxaa la sheegay in hooyada dhashay carruurtan ay ku xirtay guriga.

Wararka ayaa intaa ku daraya in cilad ka dhalatay koronto ku jirtay guriga ay isu bedeshay dab gebi ahaanba qabsaday gurigii ay ku jireen carruurta.

Hooyada dhashay carruurta ayaa la sheegay in markii lagu wargeliyay in carruurteedaku dhinteen dab ka kacay guriga ayay istaaga ka dhacday, dabadeedna suuxday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here