War Deg Deg:-Taliyihii Nabad Sugida Kaxda oo Dhaawac u Geeriyooday

0

Waxaa goordhaweyd la xaqiijiyay in uu  geeriyooday Taliyihii Nabadsugida Degmada Kaxda Ala Ha u naxariistee Maxamuud Macalin Xasan Cabduraxmaan oo loo yaqaano (Qooleey).

Taliyaha ayaa lagu dhaawacay weerar lagu qaaday gaarigiisa oo marayay Xaafada Xoosh Degmada Dharkinley Ee Gobolka Banaadir, waxaana weerarkaas fuliyay rag hubeysan oo la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen.

Saraakiisha amaanka Degmada kaxda oo goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in taliyaha si dhaawac ahaan loo gaarsiiyay goobaha caafimaadka islamarkaana daqiiqado kadib uu Geeriyooday.

Ilaa Haatan ma Jiro cid sheegatay mas’uuliyadda Weerar ka dhacay Degmada Dharkinley.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here