Ethiopia oo Ciidamo u Direysa Halka ay Ku Dagaalamayaan Soomaalida iyo Oromada

0

Dowlada Ethiopia ayaa ciidamo u direyso gobalka ay ka dhaceen dagaalada dhiiga badan uu ku daatay kuwaa oo u dhaxeeyay qoomiyada Oromo ee itoobiya dagta iyo qaar katirsan qoomiyadaha soomaalida ee halkaasi ku nool.

Qaar kamid ah saraakiisha Gobalka ayaa sheegay in la dilay in ka badan 50 qofood weerarkii ka dhacay magaalada Aweday oo Ormadu ay ku qaaday Soomaalida halkaasi ku nooleed.

Afahayeen u hadlay dowlada deegaanka soomaalda ethopia ee uu hogaamiyo Cabdi Maxamed Cumar ayaa sheegay in weerarka uu dhacay xili ay ku sugnaayeen xaflad madaxda gobalka ay ka qeybgalayeen.

Addisu Arega Oo isna  ah afayeenka Qoomiyada Oromada ayaa weerarka ku tilmaamay mid laga xumaado kaa oo ka dhashay kadib markii bishii hore la dilay saddex qof oo qoomiyada ka soo jeeda iyadoo loo xer xiray 200 oo qof oo rabshadahaasi lala xiriirinayo.

Muran xaduudeed u dhaxeeya labadan qoomiyadood ayaa ah mid caadi ah inkastoo bishii april ee sanadkan ay ku heshiiyeen in lawada xaajoodo, laakiin qilaafyada ayaa ah kuwo wali ka soconaya deegaanada qaar.

Afahayeen  u hadlay taliska Ethopia ayaa waxa uu sheegay in ciidamada laga howlgalinayo goobaha isku dhacyadu ka dhaceen waxaana sidoo kale wehlinaya wafdi ka socda hay’adaha u dooda xuquuda aadanaha si xaalada ay u qiimeeyaan.

Laakiin afayeenka ma uusan sheegin tirade ku dhimaday dagaalka waxaase xusid mudan goobaha laysku dagaalay in abaartii ugu xumeed sanado  in ay ku dhufatay gudaha dalka Ethopia.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here