Kooxo hubeysan ayaa goordhaweyd Degmada Dharkinley ee Gobolka banaadir waxa ay ku dileen Laba qof mid uu Askari ahaa mid Kalana uu ahaa Sarifle.
Dilalka dadkaan ayaa waxaa fuliyay kooxo hubeysan oo bastooladdo watay, waxayna iskaga baxsdeen goobta, markuu dilka dhacay kadib.
Ciidamada amaanka Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay,kuwaasi oo halkaas kawada baaritaano lau baadi-goobayo ragii ka dambeeyay dilka.
Bishaan oo kaliya Degmada_Dharkinley ee Gobolka banaadir waxaa lagu dilay Ilaa 15-qof (Shan Iyo Toban oo Qof )rayid Iyo mas’uuliyiin isugu Jira.

