Doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ka bilaabatay Hoolka weyn ee Farjano ee magaalada Jowhar.
Howlka ayaa waxaa ku sugan Xildhibaaano, Musharaxiinta, Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle, Madaxweyne kuxigeenka, Wasiiro iyo Xildhibaano ka socda Federaalka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa ku dhawaaqay in madasha ay furan tahay, isla markaana la diiwaan geliyo tirada Xildhibaanada joogta.
Illaa 8 Musharax ayaa ku tartamaya doorashada, kuwaasoo maalmihii la soo dhaafay olole aad u xooggan ka waday magaalada Jowhar waxayna kala yihiin
1- Daahir Cabdulle Cawaale, 2- C/raxmaan Xasan Caddow, 3- Yuusuf Axmed Hagar, 4- Maxamed Caruush Diirow, 5- C/naasir Maxamed Shirwac, 6- Cabdi Faarax Laqanyo, 7- Maxamed Cabdi Waare iyo 8- C/kariin Cali Nuur

