Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud wareegto kasoo baxday xafiiskiisa ayaa lagu shaaciyay halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe, waxa uuna Madaxweynaha Wareegtadiisa ku cadeeyay in magaalada Jowhar lagu qaban doono Shirka.
Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu cadeeyay in Magaalada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan ay noqoneyso magaalo Madaxda Maamulka loo dhisayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.
XEER MADAXWEYNE LR. 86 TAARIIKH: 19/12/2015
MAGACAABIS CAASIMAD GOBALEEDKA MAAMULKA KMG AH EE HIIRAAN IYO SHABBEELLADA DHEXE
MADAXWAYNAHA J.F.S
Markuu Arkay : Qodobka 87aad, Xarafka ‘C’, Qodobka 90aad, Xarafka ‘K’ iyo 99aad, Xarafka ‘G’ ee
Dastuurka J.F.S.
Markuu Arkay : Sharci Lr. 116 ee soo baxay Ogosto 6, 2013 kuna saabsan sharciga maamullada Degmooyinka iyo Goballada dalka.
Markuu Tixgaliyey :Dareenka dadweynaha iyo Soo jeedinta odoyaasha Dhaqanka iyo siyaasiyiinta kasoo jeedo ee Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe
Markuu Garwaaqsaday: in ay laga maarmaan tahay ilaalinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed iyo xallinta khilaafaadyada iyo in ay jirto baahi loo qabo dhisidda Maamullada Gobollada Iyo Degmooyin ka dalkasi ay u dhisman Dowlad- goboleedyo Dastuurka waafaqsan
WAXA UU SOO SAARAY XEERKAAN:
Qodobka 1aad
Waxa uu Madaxwaynaha J.F.S ansixiyay laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay19/12/2015 in Magaalada Buulaburde oo ka mid ah degmooyinka Gobalka Hiiraan ay noqoto Caasimadda Maamulka KMG ah ee Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ay yeelanayaan.
Qodobka 2aad
Magaalada Jowhar oo ah magaalo madaxda Gobalka Shabeellada Dhexe ayaa noqoneysa MADASHA marti-galineysa shirka maamul-dhisashada Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
Qodobka 3aad
Sagaashan (90)cisho gudahood buumaamulka cusub ee Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe dhistaan ugu guuri doonaan magaalo madaxda maamulka oo ah Buuleburde.
Qodobka 4aad
Waxauu Xeerkaan dhaqan gelayaa marka uu Madaxwaynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabici doonaa Faafinta Rasmiga ah Dowladda JFS.
MUQDISHO: 19/12/2015
Madaxweynaha J.F.S
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

