War Deg Deg:-Qaraxyo Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Degmada Ceel-waaq

0

Wararka ka imaanaya Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaliya, kuwa Ethopia iyo Al-shabaab in uu haatan ka socdo Magaaladaas.

Weerarka ayaa ku bilowday gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo lagu dhuftay afafka hore ee xerada Ciidamada Dowladda Somalia ay ku leeyihiin dhanka koonfureed ee magaalada.

Weerarka ismiidaaminta kadib dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab  oo ku diyaarsanaa goobta ayaa gudaha u galay  Xerada kuwaa oo dagaal toos ahaa la galay Ciidamadii ku sugnaa xiradda.

Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in qarax labaad laga maaqlay gudaha xiradda.

Xaaladda magaalada ayaa Saaka ah mid kacsan waxaana lasoo sheegayaa inaanu jirin isku socod iyo dhaqdhaqaaq toona oo ay sameynayaan dadka magaalada.

Lama oga khasaaraha ka dhashay Qaraxyada iyo dagaalka lagu qaaday xerada Ciidamada Dowladda Somaliya ku leeyihiin Bartamaha Magaalada Garbahaarey.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here