Xarakada al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarkii Maanta ka dhacay Waddada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho Kasoo lala eegtay mas’uuliyiin dowlada soomaliya ka Tirsan,
Warar lagu baahiyay Baraha al-shabaab ayaa Lagu sheegay in al-shabaab weerarkii Maanta ka dhacay Waddada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho ay ku dileen saraakiil ka Tirsan ciidamada dowlada soomaliya iyo Mas’uuliyiin kale oo xiligaas ku sugan goobta.
Warka sidoo kale kasoo baxay al-shabaab ayaa Lagu sheegay in weerarka qasaaro lagu gaarsiiyay Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Xuseen Cali Wehliye (Cirfo), oo xiligaas marayay agagaarka saldhiga degmada waabari ee Gobolka Banaadir,
Al-shabaab ayaa marar badan sheegtay Mas’uuliyada weeraro lagu qaaday Mas’uuliyiin ka Tirsan dowlada soomaliya kuwasoo ka dhacay Waddada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

