Labo qarax oo mataano ahaa ayaa gordhoweyd Ciidamada Midowga Afrika AMISOM lagu eegtay Xaafada Cooca-coola ee Dagamada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir Kuwaasi oo ahaa Miinooyinka nuuca dhulka lagu aaso.
Inta xaqiijiyey labo askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen oo goobta soo gaaray qaraxa koowaad kadib,waxaana waxyeelo gaarsiiyay qaraxa labaad sida ay inoo sheegeeen dad joogayaal ahaa oo ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay.
Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay in ay fureen rasaas aad u farabadan islamarkaana ilaa haatan aan la ogeyn qasaaraha ay geystay rasaasta la furey qaraxyada kadib.
Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

