Xaaladda Degmada Afgooye oo Saakay Degan

0

Waxaa Saaka dagan Xaalada Dagmada Afgooye ee Gobolka Hsabeelaha hoose oo Xalay Dagaal Culus ay ku qaadeen Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo adeegsanayey Qaraxyo iyo Madaafiic ay ku Weerareen Gudaha Magaalada .

Al-shabaab ayaa Weerar ku bilooday Qaraxyo Ismiidaamin ah oo ay daba Socotay Madaafiic Culus iyo Weerar toos ah waxa ay ku weerareen Xarumaha Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM ay ku leeyihiin Dagmada Afgooye waxaan jira Qasaare Labada Dhinac soo gaaray.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee Dagmada Afgooye ayaa Idaacada Simba u Xaqiijiyey in qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh uu ka dhashay Dagaalka Xalay Ka Dhacay Gudaha Dagmadaasi waxa ayna Xaqiijiyeen inay Baaritaan ku hayaan qasaaraha Guud inta uu le’egyahay.

Ciidamada AMISOM ayaa dhankooda Xalay Madaafiic Culus uga Jawaabay Weerarka Al-shabaab ay ku Soo qaadeen Dagmada Afgooye waxaan dadka deegaanka ay Simba u Xaqiijiyeen inay maqlayeen dhawaaqa Madaafiic ay ridayeen Ciidamada AMISOM oo ku Hoobanaya Duleedka Degmada Afgooye gaar ahaan halka Al-shabaab ay Weerarka ka soo bilaabeen.

Habeen hore ayay aheyd markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Dagmada Afgooye ee Gobolka Hsabeelaha hoose Maamulka Degmada ayaa sheegay in dagaalkaas lagu dilay tiro shabaab ahaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here