Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaliya waxaa maalintii shalay aheyd soo gaaray Guuto dagaal oo ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda dalka Burundi.
Guutadan ayaa qeyb ka ah howl galka nabad ilaalinta ee AMISOM, iyagoo ku biiraya ciidamada horay u joogay ee ka socday Burundi.
Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay badali doonaan Ciidamo ka tirsanaa Burundi oo waajibaadooda u dhamaaday.
Guutada 45-aad ee Ciidamada difaaca Burundi ayaa waxaa hoggaaminayay G/Sare Philbert Hatungimana, waxaana horu dhacooda oo gaarayay 39 askari.
Dhanka kale Ciidamadan ayaa la geyn doonaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, halkaasoo ay ka xarun ku leeyihiin Ciidamada ka socda dalka Burundi.



