Macalinka xulka dalka Chile Jorge Sampaoli ayaa la dhacsan qaab ciyaareedka xidiga qadka dhexe ee kooxda Barcelona Andres Iniesta kadib guushii ay kooxda Barcelona ka gaartay kooxda Guangzhou Evergrande kulanka ka Tirsan Club World Cup.
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Spain Andres Iniesta ayaa waayo fiican xili ciyaareedkaan ku qaadanaya kooxda Barcelona isagoona xili ciyaareedkii aynu soo dhaafnay kooxda Barcelona ka caawiyay in ay ku guuleysato koobka Champions League iyo Horyaalka dalka Spain iyo koobka boqorka dalka spain.
Kooxda Barcelona ayaa ciyaarta Finalka Club World Cup. La ciyaari doonta kooxda dalka Argentine ee River Plate. Iyadoona Andres Iniesta uu wacdaro muujiyay kulankii ay la ciyaareen kooxda Guangzhou Evergrande

