Dhageyso: Maamulka Ceel Buur oo Sheegay in aysan jirin dad Shacab ah oo ku Nool Gudaha degmada

0

Maamulka degmada Ceel buur ee Gobolka Galgaduud ee dowlada soomaliya ayaa sheegay in aysan  jirin  dad shacab ah oo xiligaan  ku Nool Gudaha degmada ceel buur ee Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dhulka soomaliya,

Gudoomiyaha  Degmada Ceel buur ee Gobolka Galgaduud  Cabdi Xasan Maxamed oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Gudaha degmadaas ay ku nool Yihiin kaliyah ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa midowga Africa ee amisom,

Cabdi Xasan Maxamed Gudoomiyaha Ceel buur waxa uu sheegay in shacabkii ku Nool Gudaha degmada ay hanjabaad joogto ah ay kala Kulmaan Ciidamada al-shabaab oo mar walba  Taleefanada  gacanta ugu soo sheega In ay dilayaan cidii ku laabata Gudaha degmada ceel buur ee Gobolka Galgaduud,

Halkaan Hoos ka dhageyso

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here