Dowlada Kenya oo Soo Bandhigtay Sawirada Rag doonaya in ay Weeraro Fuliyaan

0

Laamaha Amaanka dalka Kenya ayaa soo Bandhigay sawirada 12-qof oo ay ku sheegeen in ay doonayaan  sanadka cusub ee 2016-ka ay weeraro ka Fuliyaan Gudaha wadanka Kenya,

Booliska dalka Kenya ayaa sawirada Ragaan ku dhajiyay Magaalooyinka dalka Kenya iyagoona shacabka dalka Kenya ugu baaqay in ay kusoo wargalinayaa hadii ay la Kulmaan qaar kamid ah ragaas  ama xiriir la leh,

Dadka lasoo Bandhigay waxaa kamid 1-Abdifatah Abubakar Abdi, 2-alias Musa Muhajir,3-; Abdifatah Abubakar Abdi; 4-Abdalla Muumin Abdalla; 5-Suleiman Mohamed Awadh; 6-Abdalla Siraj Marum; 7-Mohamed Ali Ahmed; 8- Hussein Said Omar, 9-alias Babli, waana walaalka ka yar  Ahmed Said Omar, iyo alias Dogo.

Laamaha amaanka dalka Kenya ayaa sidoo kale sheegay in Ragaan ay ka dambeeyeen weerarkii ay ku dhinteen 60-qof ee sanadkaan Gudihiisa ka dhacay deeganka Mpeketoni ee dalka Kenya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here