Wararka haatan Naga soo gaaraya degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Gudoomiyaha degamada Baraawe ee Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya uu ka badbaaday weerar loo adeegsaday gaari oo maanta ka dhacay deegan hoos Yimaada degmada Baraawe
Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Maxamed shiino oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu jiro weerarka isqarxinta laakin uusan qasaaro soo gaarin Gudoomiyaha degmada Baraawe ee Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya,
Maxamed shiino waxa uu sheegay in Ciidamada Nabad sugida ay ka Hortageen gaariga qaraxa waday iyagoona ku guuleystay waa siduu Hadalka u dhigay in ay dilaan ragii ka Tirsanaa al-shabaab ee weerarka ku soo qaaday degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose,
Dhanka kale Warar ay idaacada simba helayso ayaa sheegaya in uu jiro qasaaro soo gaaray ilaalada Gudoomiyaha degmada Baraawe iyo ragii al-shabaab ka Tirsanaa ee deeganka weeraray,

