Gaadiidka Ciidanka AMISOM oo dul maray gaari ay la socdeen Ciidamo dowladda Ka tirsan.

0

Wararka Idaacadda Simba ee Muqdisho ay ka helayso Duleedka Muqdisho gaar ahaan inta u dhexeysa Deegaanada Taree-disho iyo Siinka dheer ayaa sheegaya in gaadiidka nooca dagaalka ah ee ay leeyihiin Ciidanka AMISOM ay dulmareen gaari isna isla nuuca dagaalka ah oo ay wateen Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Waxaa warar is qilaafsani ay kasoo baxayaan sababta keentay Shilkaan ay geysteen Ciidanka AMISOM Wararka qaar ee ay helayso Warbnaahinta Simba ayaa Xaqiijinaya in Gaariga ay wateen Ciidanka AMISOM uu doonayey inuu Wadada ku baaso gaariga uu dulmaray ee ay Wateen Ciidanka Dowladda Soomaaliya.
Dadka goobjoogayaal ah oo la hadlay Radio Simba ayaa Sheegay in hal askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda uu ku dhintay Shilkaasi tira kale oo isla askarta Dowladda ahna ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo loolasoo cararay Isbitaalada Ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Ciidamada AMISOM ee falkaan geystay ayaa lagu Waramayaa in ay meesha ka tageen iyagoon xitaa aan fiirinin qaabka ay wax u geysteen taasi oo ay la yaabeen dadkii goobta joogay.
Ciidamada AMISOM oo sida la sheego Soomaaliya u yimid Nabad ilaalin ayaa waxaa dhacda in dhawr mar ay xadgudubyo u geystaan dadka rayidka ah ee ku nool deegaanada ay ku suganyihiin,Waxaana dhawr dhacdo oo kala xanuun badan ay ciidamada AMISOM gaadiidkoodu ay ku dileen |Dhawr qof oo shacab ah arinta la yaabka leh ayaase waxaa ay tahay in markii ciidanka AMISOM ay gaadiidkoodu jiiraan Qof Muwaadin Soomaaliyeed ah aysan dib usoo fiirin islamarkaana ay gaadiidkooda sii wataan, Dowladda Soomaaliya oo ay ogolaanshaheeda ay ku joogaan Ciidanka AMISOM gudaha Dalka Soomaaliya ayaan iyadu si qota dheer uga hadlin Dhibaatooyinka iyo Xadgudubka Ciidanka AMISOM ay ka geystaan Gudaha Waddanka Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here