Waxaa galinkii dambe ee Maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya lagu soo gaba-gabeeyay shirkii Loogu Hadlaayay Barnaamijka hiigsiga sanadka 2016-ka ee dhanka iyo doorashooyinka
Shirka waxaa ka qeyb Galay Madaxda dowlada soomaliya, sida Madaxweynaha soomaliya xasan sheikh Maxamuud , Raisulwasaaraha soomaliya Cumar C/rashiid cali sharmarke, Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh cusmaan jawaari, madax ka socotay beesha caalamka, Madaxda Maamulka Goboleedyada dalka soomaliya ka jira sida Koonfur Galbeed soomaliya, Galmudug, Juba-land iyo Puntland,
Shirka waxaa lagu soo Bandhigay fikrado ku aadan qaabka ay Noqon doonto dooarashada soomaliya ka dhacaysa marka la gaaro sanadka 2016-ka
Dhanka kale Madaxdii shirka ka qeyb gashay ayaa isku raacday in markii la gaaro bisha Janaayo in Magaalada Kismaayo lagu qabto shirka lagu go’aamin doono doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadka 2016-ka
Halkaan Hoos ka akhriso



