Al-shabaab oo Hadal kasoo Saaray isbahaysiga Cusub uu Sacuudiga Shaaciyay

0

Xarakada als-shabaab ayaa Hadashay isbahaysiga cusub uu Sacuudiga shaaciyay inuu toddobaadkan sameeyay kasoo la dagaalami doona kooxaha argagixisada caalamka ka jira,

Sheekh Cali C/laahi (Katiin) oo ka mid ah Saraakiisha Al Shabaab ee dacwada u qaabilsan oo warbaahinta al-shabaab la Hadlay ayaa sheegay in  isbahaysiga cusub uu Sacuudiga shaaciyay loogu Talagalay in lagula dagaalamo dadka muslimiinta ah ee dunida ku Nool,

“Isbahaysigan ay hadda samaynayaan oo ay leeyihiin waxaan kula dagaalamaynaa dadka Mujaahidiinta ah, waa mid ay ka soo shaqeeyeen Reer Galbeedka, oo ayagu ay ku raaligelinayaan. Ayuu yiri Sheekh Cali C/laahi (Katiin)

Shalay ayay aheyd markii dowlada sacuudiga ay ku dhawaaqday In ay sameysay isbaheysi ka kooban ilaa iyo 34-dal kuwasoo la dagaalamaya al-shabaab iyo daacish oo dunida saameyn weyn ku leh xiligaan

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here