Wararka Ka Imaanaya Deegaanka Siinka Dheer ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegaya in gaari Nuuca Cabdi bilaha ah oo ay lahaayeen Ciidanka Dowladda Soomaaliya uu laba gabdhood oo walaalo ah uu ku dilay Deegaankaasi.
Gabdhaha ayaa xilligii uu gaarigu jiirayey Marayey laamiga dheer ee isku xira Muqdishiyo Afgooye Waxaana Meesha Ka Baxsaday Gaarigii Falka Geystay.
Waxaana Durbaba isla goobta ku geeriyooday labada gabdhood oo la xaqiijiyey in ay ahaayeen walaalo Ilaa haddana lama oga halka uu Cirib iyo jaan dhigay gaarigii dilka geystay waxaana sidoo kale lagu waramayaa in Deegaankaasi iyo deegaannada hoos-yimaada ay hadda kasocdaan howlgalo iyo dadaallo lagu doonayo in lagusoo qabto gaarigii jiiray gabdhahan isla dhashay.

