Faah-faahin:-Qaraxa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

0

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii qarax lagu xirey Gaari Nooca loo yaqaano Saruf  uu ka dhacay meel ku dhow xarunta Wasaaradda dhalinyaradda iyo Ciyaarahada Xukuumadda Soomaliya oo ku taala Degmada Boodheere ee Gobolka Banaadir.

Qaraxaan ayaa la sheegay in la doonayay in lagu qarijiyo Cabdullaahi Nuur Samatar (Caano Booro), kaasi oo warar soo baxaya ay sheegayaan in uu ka tirsan yahay Saraakiisha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed (NISA).

Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya, waxaana goobta laga qaaday shaqsigii waday gaari oo dhaawac uu soo gaaray sida goob-joogayaal ay u sheegen idaacadda Simba.

Ma Jirto ilaa haatan cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here