Jubba-land oo Diiday in Lala Kulmo Dad Lagu Waxyeeleeyey Duqeyn oo Ku Jira Isbitaalka Kismaayo.

0

In Ka badan Toban ruux oo ah dad rayid kuna dhaawacmay duqeyn diyaaradeed oo shalay ka dhacay deegaanna ka tirsan Gobolada Jubbooyinka ayaa maanta la gaarsiiyey Isbitaalka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose halkaas oo xaaladdooda caafimaad lagu dabiibayo.

Dadkan oo qaba dhaawacyo kala duwan oo halis ah ayaa waxaa ku jira haween iyo caruur la sheegay inay duqeyntii diyaaradaha dagaalku ay fuliyeen ay ku waxyeeloobeen.

Waxaana dadka laga keenay deegaanada Kala ah Qabri Shariif iyo Buula-gaduud iyo deeghaanno kale oo dhamaantood dhaca duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose,waxaana wali lagu waramayaa in meelaha qaar ee duqeyntu ay ka dhacday ay joogaan dad qaba dhaawacyo kala duwan kuwaa oo aan awoodin inay iska bixiyaan qarashkii lagu daweyn lahaa,iyadoona lasoo sheegayo in dadka qaarkii ay dawa la.aan ugu geeriyoodeen halkii ay ku dhaawacmeen kadib markii ay dhiig baxeen.

Masuuliyiinta Maamulka Jubbland ayaa u diiday warbaahintu inay la kulmaan dadka dhaawacyada ah ee maanta la keenay magaalada Kismaayo si warbaahintu aysan u arag xaaladdooda sida ay noo xaqijieen wariyayaasha magaalada qaarkood ee laga celiyey xarunta isbitaalka,waxaana saraakiisha isbitaalka iyana lagu amray inaysan cidna la kulansiin dadka dhaawacyada ah ee isbitaalka ku jira.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here