Magaalooyinka Dhuuso Mareeb iyo Gurceel oo Caawa lagu Arkayo Ciidamo aad u Fara badan

1

Warar haatan Naga soo gaaraya Magaaloooyinka Dhuuso Mareeb iyo Gurceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo aad u Fara badan  oo ka Tirsan kuwa maamulka ahlusuna waljameeca Lagu arkayo gudaha Magaalooyinkaas.

Dad ku sugan magaalooyinkaas aynu la xiriirnay ayaa inoo sheegay in galabnimadii maanta gudaha Magaalooyinkaas ay soo buux dhaafiyeen ciidamo ka Tirsan kuwa maamulka ahlusuna waljameeca kuwasoo wata gadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan,

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada ay maqleen warar ku aadan in ay jiraan dad doonaya in dibad baxyo ay ka dhigaan magaalooyinka dhuuso Mareeb iyo gurceel ee Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dhulka soomaliya.

Dhanka kale ku dhawaad 40-ruux oo dad shacab ahaa ayaa maanta Lagu xir xiray Gudaha Magaalooyinka dhuuso Mareeb iyo gurceel kadib markii laamaha amaanka ahlusuna ay ku eedeeyeen in ay taageero u ahaayeen maamulka Galmudug oo xaruntiisa KMG-ga ay Tahay Magaalada Cadaado.

 

1 YORUM

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here