Ku-simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Ahna Wasiirka Beeraha Iyo Waraabka Mudane Maxamed Xasan Fiqi iyo qaar Kamid Ah Golaha wasiiradda Koonfur Galbeed Somaliya iyo Maamulka Gobolka Baay Iyo Kan Degmada Baydhaba, taliyaha Ciidamada AMISOM ee Soomaliya Jneraalka Subagle ayaa Ka qeyb galey kala Wareegii Ciidamada AMISOM ee qeybta 3-Sadaxaad ee fadhigoodu yahay Baydhaba.
Ugu horeyntii waxaataliyaha Ciidamada AMISOM ee Soomaliya Jneraalka Subagle oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada la badalay ay ku guuleysteen howlihii loo igmaday islamarkaana loo badalay magaalo kale.
Dhanka kale Wasiirka Beeraha Iyo Waraabka Mudane Maxamed Xasan Fiqi oo munaasabadda kala wareejinta Ciidanka hadalka kooban ka jeediyay ayaa u mahadceliyay Ciidamadii la badalay isagoo ku tilmaamay in ay haayeen kuwa geesiyaal ah kana caawiyay maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya sugida amniga deeganadaas maamulkaas.




