Akhriso:-Xasan Shiikh Maxamuud oo Ka Mushaar Badan Obama iyo Cameron

0

Dhawaan Golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa meel mariyay miisaaniyad sanadeed uu yeelanayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kaasi oo loogu guuleystay doorashadii ka dhacday Magaalada Muqdisho bishii February ee sanadkaan 2017-ka.

Dowladda Soomaliya ayaa u qoondeysay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud dakhliga Bishii oo ah  $40,000 oo Doollarka Mareykanka ah taasi oo ka dhigan in Sanadkii uu qaadan doono $480,000 oo Doollarka Mareykanka ah,waxaana uu ka badan yahay kuna laba jibaarmaa Madaxweynayaal xilal kasoo qabtay Caalamka.

Akhriso:-Madaxda uu ka mushaar badan yahay Xasan Sheekh Maxamuud

  • Madaxweynihii Hore ee dalka Mareykanka Obama waxaa uu Sanadkiiba howlgabnimadiisa ku qaataa $200,000 oo Doollarka Mareykanka ah.
  • Ra’isalwasaarihii hore ee UK, David Cameroon miisaaniyaddiisa sanadlaha ah ee ay dowladda siiso dhan tahay $149,000 oo Doollarka Mareykanka ah,sidoo kale Dakhliga .
  • Ra’islawasaarihii hore ee Canada Stephen Harper,ayaa waxaa ay dhan tahay $105,000 oo Doollarka Mareykanka ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here